Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Ex. madaxweyne Sheikh Shariif

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynihii hore uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

PUNTLAND POST