Maraakiibtii u horraysay oo dhowaan si toos ah ugu xiranaya dekedda Garacad

Maraakiibtii u horraysay ayaa dhammaadka bishaan November la sugayaa in ay ku soo xirtaan dekedda Garacad oo meel geba-gaba maraysa.

Xubno ka tirsan guddiga dhismaha dekedda Garacad ayaa Puntland Post u sheegay in dhammaadka bishaan markii u horraysay maraakiib ku soo xiran doonaan dekedda cusub.

Maraakiibta ayaa si toos ah dekeddaas u keeni doona qalab lagu dhammaystirayo dhismaheeda oo isku-tashi bulsho lagu hirgelinayo.

PUNTLAND POST