Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Sabti ahTaliye cusub u magacaabo Ciidanka Madaxtooyada Puntland.
Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa dhowaan loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari inktasoo uusan weli xilka la wareegin.
Sidoo kale Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa isna loo soo beddelay Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal.
PUNTLAND POST