
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen ma’suuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP iyo Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah waxaa looga hadlay dardargelinta Guddiga Warbaahinta oo maanta la daah-furayo.
Guddiga Warbaahinta Sare oo ah 7 xubnood ayaa ka kooban Dowladda, Ururka Suxufiyiinta Puntland, Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Ururka Qareenada Puntland.
Guddiga waxaa ka mid ah shaqadooda diiwaangelinta iyo aqoonsiga qofka weriye noqonaya, qaadista dacwadaha la xiriira warbaahinta iyo anshaxmarintooda.








PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.