Galmudug oo dhammaystirtay doorashadii Aqalka sare

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada laba xubnood oo ka harsanaa xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka dalka

Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa dib loogu doortay kursigii uu ku fadhiyay Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid. Waxaa isna doorashada ku soo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo noqonaya senator cusub oo Galmudug ku matali doona Aqalka Sare.

Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah ka dib markii ay tanaasuleen musharraxiintii kale ee kuraastan kula tartami lahaa ragga la doortay.

Labadan senator ee la doortay ayaa dhameystiraya tirada sideedda xubnood ah ee Galmudug ay ku leedahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST