Doorashada Laba kursi oo ka harsan xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Galmudug ayaa maanta ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.
Labada kursi waxa loo xushay in ay ku soo baxaan Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid iyo Cabdi Cismaan Xareed oo wata laba malxiis.
Labadan kursi ayaa ah kuwii u dambeeyay guud ahaan doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 54 senetor.
PUNTLAND POST