Taalibaan oo xabsiga dhigtay xubna ka tirsan Daacish

Taalibaan ayaa sheegtay in ay xakamaysay halista kooxda Daacish ku haysay dalka Afghanistan.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Daacish aysan aheyn halis weyn waddanka Afghanistan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga la dhigay ilaa  600 oo isugu jira xubnaha kooxda Daacish iyo dad taageersan.

Daacish ayaa 2014-tii kasoo caan baxday Syria, waxayna dhiiri gelisay kooxo badan oo caalamka ka dhisan, ayada oo kooxda Daacish ee Afghanistan ay isku magacowday Khorasan.

PUNTLAND POST