Madaxda Garsoorka Soomaaliya iyo Ruwanda oo kulamo yeeshay

Godoomiyaha Maxkamadda sare iyo  Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka oo Ku sugan Dalka Rwanda. ayaa kulamo kala duwan la Yeeshay madaxda hay’addaha Garsoorka, dambi baadhista, asluubta, Xeer Ilaalinta iyo iskaashiga Rwanda.

Kulamadaasiayaa diirada lagu saaray xoojinta xidhiidhka bahda caddaaladda Soomaaliya iyo Rwanda iyo gaar ahaan hannaanka ay Rwanda ugu guurtay hannaanka electroniga ee maamulka iyo maaraynta caddaaladda.

“Boqoshadii aanu Kigali ku joognay ayaa si guul leh noogu soo dhammaatay. Waxaan reer Rwanda uga mahadcelinayaa soo dhoweynta ay noo saameeyeen,waxaanan ku bogaadinayaa horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsadeen”,sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.

PUNTLAND POST