Puntland oo digniin adag ka soo saartay dhaqan-gelinta Sharciga Shidaalka Soomaaliya

Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ku celisay in aysan qayb ka ahayn fulinta Sharciga Shidaalka Soomaaliya oo la saxiixay 10 February 2020.

Puntland waxay sheegtay in Sharcigaas aanu waafaqsanayn Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya hannaanka qaybsiga Khayraadka dalka oo aan weli laga heshiin.

War-saxaafadeed ka soo baxay Puntland ayay uga digtay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wakhtigan kala guurka ah gasho heshiisyo lagu xaraashayo Khayraadka waddanka.

Sidoo kale Shirkadaha Caalamiga ah ayay uga digtay in aysan heshiis ku saabsan Khayraadka la gelin dowladda Federaalka ee mudda xileedkeedu dhammaaday.

PUNTLAND POST