Puntland oo amar ka soo saartay buug muran ka dhaliyay baraha bulshada

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa ku amartay mac-hadka Islaamiga ah ee Khadiija in aysan dib dambe u isticmaalin buug ku qoran Af-Soomaali oo dagaal ooge ku tilmaamay madaxweyne, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Mas’uuliyiinta mac-hadka Khadiija oo ku yaalla magaalada Garoowe ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda, waxaana su’aalo laga weydiiyay buuggaas oo muran ka dhaliyay baraha bulshada, kadiba waxa lagu amray in ay joojiyaan.

Wasaaradda ayaa sida la xaqiijiyay la wareegtay buuggaas, oo mac-hadka Khadiijo u isticmaali jiray mid laga tixraaco taariikhda dad ay ku jiraan Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Maxamed Faarax Caydiid.

Dhinaca kale, wasaaradda Caddaaladda Puntland ayaa maanta shaacisay in dhammaan la diiwaan-gelin doono dugsiyada Qur’aanka iyo macaa’hidda diiniga ah ee ku yaalla Puntland.

PUNTLAND POST