Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay in dhul dan-guud loo aqoonsan doono dhammaan bogcadaha aan laga diiwaan-gelin waaxda dhulka u qaabilsan dowladda hoose.
Axmed Barre ayaa ku wargeliyay dhammaan dadka leh boosaska cabbiran in ay sida ugu dhakhsaha badan uga diiwaan-geliyaan waaxda dhulka si loogu sharciyeeyo.
Sidoo kale wuxu digniin adag ka bixiyay in la kala gato dhul aan sharciyad ka haysan dowladda hoose ee degmada Garoowe.
PUNTLAND POST