
Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa xalay si rasmiya ula wareegay xilka.
Munaasabad ka dhacday xarunta Taliska Booliiska ee Caasimadda Garoowe islamarkaana ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan ayuu xilka kula wareegay Taliye Maxamed Cali Xaashi.
Taliyihii hore ee Booliiska Puntland Gen. Cabdi Yare Xasan Xuseen oo xilka wareejiyay ayaa Taliyaha cusub u rajeeyay in uu ku guulaysto mas’uuliyadda loo idgmaday.
Sidoo kale Taliyaha cusub Maxamed Cali Xaashi ayaa uga mahad-celiyay Taliyihii hore shaqadii uu ka qabtay Amniga wuxuna ballan-qaaday in uu halkaas ka sii wadi doono Shaqada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.