
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan habka fogaan aragga ah la yeeshay guddiyada doorashooyinka labada heer.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray guddiyada doorashada in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gabogabeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021.
Sidoo kale Rooble ayaa faray guddiyada doorashada labada heer in aysan dhici karin kursi qof loo xiro iyo qof doorashada loo diido, ayna ilaaliyaan qoonadada haweenka ee 30%.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.