Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashooyinka dadban ayaa soo gabagabeeyay dacwad dhawaan laga gudbiyay doorashadii kursigii Golaha Shacabka ee uu ku soo baxay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.
Guddiga ayaa shaaciyay in hannaanka loo maamuley doorashada kursi lanbarkiisu yahay HOP#239 uu yahay mid sax ah oo waafaqsan habraacii loo dajiyay doorashooyinka dadban ee 2020/2021.
Guddiga khilaafaadku waxay ku wargeliyeen guddiga doorashada heer federaal in ay u fasaxan yihiin laga bilaabo maanta ku dhawaaqista natiijada kursigaas oo horay loo hakiyay.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.