Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabislan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka xogyhayah guud ee Qaramada Midoobay u qaabislan Soomaaliya James Swan.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay  dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka sida uu sheegay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamedd Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka.

PUNTLAND POST