Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo ka badbaaday isku day dil

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa ka badbaaday weerrar lagu soo qaaday gurigiisa ku yaal magaalada Baqdaad ee caasimadda dalkaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra’iisul wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Al-Kadhimi ayaa sida la xaqiijiyay ka badbaaday isku daygaas dil waxaana farriin kooban uu ku sheegay in uu bed-qabo islamarkaana la is dejiyo iyadoo la dhawrayo danta guud ee Ciraaq.

PUNTLAND POST