Madaxweyne Deni oo xilka qaadis, magacaabis iyo isku baddel sameeyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada PMPF, Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso iyo hoggaanka dembi-aarista ciidanka Booliska, sidoo kale isku baddelay taliyeyaashii ciidamada ee madaxtooyada, Bari iyo Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaa Maxamuud Silaal Cumar u magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada Badda Puntland ee Puntland, halka G/dhex Warsame Axmed Shirwac uu u magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi u magacaabay hoggaanka dembi-baarista (C.I.D) ee ciidanka Booliska Puntland.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaaa G/sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari u bedelay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal, halka G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada loo wajeejiyey Taliyaha Booliska gobolka Bari.

Waxaa xilalkoodii waayay Taliyihii Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac iyo Agaasime Ku-xigeenkii PMPF Axmed Yuusuf Axmed.

PUNTLAND POST