Bannaanbaxyo looga horjeedo Jabhadda TPLF oo ka socda magaalada Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida waxa saaka ka socda bannaanbaxyo waaweyn oo looga horjeedo Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.

Kumanaan kamid ah Shacabka Jigjiga ayaa saaka buuxiyay waddooyinka magaalada si ay taageero ugu muujiyaan ciidamada Milatariga Itoobiya ee dagaalka kula jira jabhadda Tigreeyga ee TPLF.

Dibad-baxayaasha ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah jabadda Tigreey ee TPLF kuwaas oo sidoo kale lagu taageerayo hawlgalka dowladda Itoobiya kula dagaallamayso Kooxahaas.

Magaalooyin kale oo ka tirsan Itoobiya ayna ku jirto caasimadda Addis Ababa ayaa sidaan oo kale maanta looga dhigayaa bannaanbaxyo ka dhan ah xoogagga TPLF.

PUNTLAND POST