Baarlamanka Puntland oo la fasaxay saddex maalmood

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo ku jira Kal-fadhiga 49-aad ayaa la fasaxay mudda saddex maalmood ah.

Mudanayaasha ayaa la fasaxay saddexda maalmood ee  Axad, Isniin iyo Talaado, si ay u soo akhriyaan  Wax-ka-bedelka Xeerka Maandooriyaha Puntland oo shalay loo qaybiyay.

Guddoonka ayaa ku wargeliyay xildhibaannada in ay fasax yihiin saddexdaas maalmood, islamarkaan waxa lagu ballamay in maalinta Arbacada dib la isu’gu soo laabto.

PUNTLAND POST