Sierra Leone: 91 Qof oo ku Dhintay Qarax Booyad Shidaal

Ugu yaraan 91 qof ayaa ku dhintay caasimadda dalka Sierra Leone qarax ka dhashay booyad shidaal siday oo qaraxday ka dib markii ay shil gashay, sida ay Reuters ka soo xigatay mas’uuliyiinta dalkaasi.

Dowladda ayaan weli xaqiijin tirada dhimashada, balse maareeyaha xarunta qaabilsan meydadka ee magaalada caasimadda ah ee Freetown ayaa sheegay in qaraxa ka dib ay heleen 91 meyd ah oo ku dhintay qaraxa.

Dhibanayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa dad ku soo xoomay goota si ay u badbaadiyaan shidaal ka daadanayay booyadda ka dib markii ay dillaacday, sidaasina waxaa qoraal ay Facebook soo dhigtay ku sheegtay duqa magaalada, Yvonne Aki-Sawyerr.

Brima Bureh Sesay, madaxa hay’adda ka hortagga masiibooyinka qaranka ee dalkaasi ayaa muuqaal goobta lagu duubay ku sheegtay in ay jireen waxyeelo badan iyo meydad jirkoodu gubtay. 

PUNTLAND POST