Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay Agaasimaha xarunta Caalamiga ah ee xalinta khilaafaadka Masar

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira Danjire Axmed Cabdiladiif.

Safiirka ayaa sheegay in agaasimaha uu kala hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarada la siiyo Soomaaliya ee ay bixiso Xaruntaan, kuwaas oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha dowladda iyadoo la xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo labadda shacab.

Safiirka Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay doorka ay Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira ay ka ciyaareyso dhismaha awoodaha dalalka soo koraya ee dhinacyadda nabadda iyo Amniga.

PUNTLAND POST