Maraykanka oo baaqii u dambeeyay u diray muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya

Xaalada dalka Itoobiya ayaa xiligan u muuqata mid kasii dareysa, waxaana cabsi xoogan laga qabaa in kooxda TPLF iyo kooxo kale oo isbaheysi la sameestay ay galaan magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Safaarada dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada Adis Ababa, ayaa qoraal ay soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Itoobiya in ay si deg deg ah uga baxaan dalkaasi.

Qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in xaalada Itoobiya ay tahay mid qasan, waxa ayna ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga baxaan dalkaasi.

Digniintan kasoo baxday dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili shalay gudaha Mareykanka heshiis ku gaareen 9-Urur oo TPLF ku jirto kuwaa oo isku baheestay dagaal ka dhan ah taliska Ra’iisul wasaaraha Itoobiaya Abiy Axmed.

PUNTLAND POST