Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa ka warbixiyay hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.
Saraakiisha Danab ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas lagu beegsaday Al-shabaab islamarkaana si dhammaystiran loo burburiyay dhammaan saldhigyadii Al-shabaab.
Hawlgalka ayaa laga fuliyay tuulooyinka Tawakal iyo Daarusalaam oo ka tirsan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada hoose sida ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
PUNTLAND POST