Iska hor-imaad kooban oo ka dhacay magaalada Garoowe

Hal askari oo ka tirsan Booliiska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas goor dhowayd ka dhacday gudaha caasimadda Garoowe.

Askar ka tirsan ciidanka Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo ciidamo Taraafiko ah ayaa sida wararku sheegayaan is rasaasayn ku dhexmartay Xarunta Taraafikada Garoowe.

Rasaasta ayaa ka dambaysay muran ka dhashay Gaari laga xereeyay ciidanka Madaxweyne ku xigeenka.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada ayaa loo xiray dhacdadaas waxaana ku socda baaritaan sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

PUNTLAND POST