Rooble oo fariin u diray dowlad goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada in ay degdeg u qabtaan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa tilmaamay in doorashada Golaha Shacabka ay tahay arrin muhiim ah oo loo baahan yahay in la boobsiiyo, si dalku uga gudbo marxaladda uu hadda ku jiro.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u mahadceliyay guddiga doorashooyinka oo uu sheegay in ay maanta qalabkii doorashada u kala direen 10 magaalo oo ay dhaceyso doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadalkiisa ay ka muuqatay in aan weli la hayn dhaqaalihii Beesha Caalamku ugu yaboohday doorashada Soomaaliya ayaa yiri “Wixii awoodeena ah waa diyaar, biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa, sacabadeena waa in aan wax ku qabsanaa oo cidna sugin”.

Ugu dambeyn Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kala qeybqaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho degdeg ah, si uu isaguna xafiiska u wareejiyo.

PUNTLAND POST