Muqdisho: Ku-xigeenkii Midowga Afrika ee Soomaaliya oo la cayriyay

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ku-xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo in uu dalka uga baxo muddo todobo (7) cisho gudahooda.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan dalka laga rabin Simon Mulongo oo lagu eedeeyay inuu ku gudajiro howlo aan waafaqsanayn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda amniga.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaar ah ee Twitter-ka ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay la xisaabtami doonto shaqaalaha AMISOM, gaar ahaan hoggaanka.

Simon Mulongo oo ka soo jeedda dalka Uganda ayaa noqonaya diblomaasigii labaad oo ay dalka ka cayriso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. 2019 ayaa sidaan oo kale loo cayriyay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

PUNTLAND POST