Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan oo shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland.
Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaarado kala duwan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland Maxamed Sheekh Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia Seychelles.
Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah .
Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa 30-ka bishii ina soo dhaaftay ee Octobar magacaabay Xisaabiyaha guud.
PUNTLAND POST