Guddiga xallinta Khilaafaadka oo baaris ku bilaabay kursiga loo doortay Mahdi Guuleed

Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa qabtay dacwad uu u soo gudbiyay Xuseen Carab Ciise oo cabasho ka ah kursiga HOP239 kadib markii kursigaas loo doortay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed.

Ex. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa horay ugu fadhiyay kursigaas ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamanka oo laga soo doorto Somaliland.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in ay bilaabeen baarista dacwadda laga gudbiyay kursiga.

Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay kusoo bandhigi doonaan natiijada baarista dacwadda kursigaas.

PUNTLAND POST