Garoowe: Gaadiidka Iskarogooyinka oo maalintii labaad shaqa joojin ku jira

Magaalada Garoowe waxa maalintii labaad shaqa joojin ku jira gaadiidka loo yaqaan iskarogooyinka oo daabula dhagaxa iyo ciidda loo adeegsado dhismayaasha.

Wadayaasha gaadiidkaas ayaa sheegaya in ay ka cabanayaan shidaalkii oo qaaliyoobay iyo dadka loo shaqeeyo oo diiddan in ay kordhiyaan lacagta lagu daabulo dhagaxa iyo ciidda.

Arrintan ayaa saamayn taban ku yeelatay shaqaalaha xoogsatada ah oo nolol maalmeedka ka raadsada raridda dhagaxa iyo ciidda loo adeegsado dhismayaasha guryaha.

PUNTLAND POST