
Diyaarad xamuul siday ayaa goordhaweyd ku gubatay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Diyaarada ayaa saaka ka tagtay magaalada Muqdisho, waxaana dab qabsaday markii ay ka soo degaysay garoonka diyaraadaha Doolow. Ilaa iyo haddana lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay gubashada diyaarada.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaalo iyo sawiro muujiya diyaarada oo ku gubanaysa dhabaha diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka.
Diyaarada gubatay ayaa nooceedu ahaa C-160, waxaana wararku sheegayaan in ay u rarnayd hay’adda WFP.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.