Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Safiirka Turkiga Mehmet Yilmaz.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada mas’uul kulankooda uga hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada waddan.

Kulanka waxa si gaar ah looga hadlay Iskaashiga Dhinacyada dhaqaalaha Ganacsiga, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

PUNTLAND POST