Ra’iisal wasaaraha dowladda Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in xoogag Caddaan iyo Midow isu’gu jira oo shisheeye ay ku jireeen dagaalkii JabhaddaTigreey maalmihii la soo dhaafay ku qabsadeen magaalooyin ka tirsan Gobolka Amxaarada.
Ra’iisul wasaare Abiy, oo khudbad u jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladdiisa, ayaa sheegay in Jabhadda Tigreey lagu gacan siiyay qabsashada magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha.
“Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha dowladda Itoobiya, Abiy Axmed
Jabhadda Tigreey ayaa dhankooda sheegay in ay degaanno badan ka qabsadeen ciidanka federaalka Itoobiya, isla markaana ay duulaanka si wada jir ah u fulinayaan jabhadda Oromo Liberation Army.
PUNTLAND POST