
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, kursigii ugu horreeyay Golaha Shacabka ee shalay la sheegay in uu ku soo baxay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Guuleed.
Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in dacwad laga keenay kursiga sumadiisu tahay HOP#239, isla-markaana la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah, inta Guddigu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kursigaas.
Dacwada waxaa gudbiyay sida uu sheegay Guddigu Musharax Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolada Waqooyi, gaar ahaan garabkii uu hoggaaminayay Cabdi Xaashi.
Guddigu wuxuu tilmaamay in baarintaanka cadaymaha, dhageysiga dhinacyada ay quseyso dacwadu iyo ga’aan ka gaarista dacwada ku dhamaystiri doonaan muddo todobo (7) maalmooda.
Dacwadan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo maalmo ka hor Guddiga Xallinta Khilaafaadka ka horyimid qodob ka mid ah habraaca doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi (Somaliland).

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.