Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadood ka sameeyay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo sida ay sheegeen ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa maanta jidgooyo dhigtay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ah ayaa xannibay isu-socodka laamiga dheer ee u dhexeeya caasimadda Garoowe iyo xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Gaadiid badan ayaa weli ku xanniban laamiga waxaana socda wada-hadal lagu xallinayo gadoodka ciidankaas.

Dhinaca kale Saraakiisha ugu sarraysay ciidamada Daraawiishta Puntland ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan gadoodka ciidanka.

PUNTLAND POST