Al-shabaab ayaa soo bandhigtay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle oo isu dhiibay Al-shabaab.
Rag isu’gu jira askar iyo saraakiil ayaa Al-shabaab ku soo bandhigtay tuulada Buq-Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Raggaas oo tiradooda lagu sheegay sagaal nin ayaa ka hawl-gelayay magaalooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi sida Al-shabaab sheegtay.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa qortay magacyada raggaas; Ibraahim Cabdi Kariin Maxamuud, Cabdirisaaq Cali Aadan, Cabdi Xasan Maxamed, Cabdi Maxamuud Cagey, Bishaar Axmed Abiikar iyo Cabdifitaax Aadan.
PUNTLAND POST