Taliyihii Booliiska Puntland oo xilka laga qaaday

Taliyaha cusub ee Booliiska Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Caawa xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen Cabdiyare.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni oo xilka looga qaaday Cabdiyare ayaa sidoo kale lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi.

Gen. Cabdi yare ayaa xilkan loo magacaabay 27-kii April ee sannadkii 2020 kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore ee Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse.

Maxamed Cali Xaashi, Taliyaha cusub ee Booliska Puntland ayaa muddo ahaa Taliyaha ciidanka dekedda Boosaaso.

PUNTLAND POST