Laba xubnood oo kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.
Kursiga kowaad waxa loo doortay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar kadib markii uu 97 cod kaga guulaystay Mushtaaq Ibraahim Yuusuf oo heshay saddex cod waxaana xumaaday hal cod.
Kursiga labaad ayaa mar kale loo doortay Biixi IImaan Cige oo isagu afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigaas.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray labada xildhibaan ee maanta loo doortay kuraasta gobolllada waqooyi ee Baarlamanka dalka.
PUNTLAND POST