
Laascaanood (Wararka PP) — Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay afar oday oo isku jees ah kuwaas oo farriin u soo diray Puntland. Odayaashu waxay ka codsadeen guddiga doorashooyinka heer federaal ee Puntland in markan beeshoodu xaq u leedahay inuu nin xildhibaan u noqdo.
Odayaasha la xiray waxaa ka mid ah Faarax Garaad Ismaaciil, Maxamed Cawad Baaruuf iyo Mustafe Aadan Gole. Waxay ka soo horjeedaan in Canab Xasan Cilmi mar kale loo doorto xildhibaanad heer federaal. Canab waa xildhibaannada keliya oo si cad u dhaleecaysay barakicinta qasabka ah oo uu maamulka goosashada doonaya Laascaanood ugu geystay dad Soomaaliyeed.

Ragga Laascaanood lagu xirxiray waxay taageersan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo loo hasyto inuu taageero hoose u muujiyay barakicinta qasabka ah isagoo dhowraya xiriirka ehelnimo uu la leeyahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Hargeysa.
“Way adag tahay in Garaad barakicin qasab ah taageeray uu kaalin ku yeesho diyaarinta ergeda. Madaxdhaqameed kale ayaa hawshaas iska leh. Canabna way guuleysanaysaa” ayuu Axmed Jaamac Cali, firfircoone siyaasadeed, u sheegay Puntland Post.
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.