Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Baarlamanka Puntland?

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.

Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 49-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi.

Dhinaca kalena, kadib markii uu 3 fadhi ka maqnaa Fadhiyada gudiga joogtada ah, isla markaana Golaha laga hor-akhriyey warqad Is-casilaada oo uu soo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah  Cabdiraxmaan Diiriye Carab kaas oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ka aqbalay.

Guddoomiyuhu wuxu soo jeeday in xubintaas buuxinteeda loo marayo habraaca Golaha Wakiillada, Gobolka Cayn-na ay soo gudbiyaan xubintii bedeli lahay, haddii ay isku raaci waayeena lagu tartami doono maalinta Sabtida ee fooda nagu soo haysa taariikhduna tahay 06-November-2021.

PUNTLAND POST