Mahdi Guuleed oo ku soo baxay kursiga kowaad ee Golaha Shacabka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ku soo baxay kursiga u horreeya doorashada Golaha shacabka ee Baarlamanka dalka oo maanta ka bilaabatay Muqdisho.

Mahdi Guuleed wuxu 97 cod ka helay ergada kursigaas dooranaysay oo ka kooban 101 xubnood waxaana la tartantay gabar lagu magacaabo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf oo heshay saddex cod halka uu xumaaday hal cod.

Guddiga doorashada heer Somaliland oo shaaciyay natiijadan ayaa sheegay in loo gudbayo kursiga xiga oo isla maanta lagu dooranayo magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST