Laba kursi oo kamid ah Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Muqdisho.
Doorashadan ayaa ka dhacaysa Xarunta Tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu xereeyay ergada wax dooranaysa.
Kuraastan oo laga soo doorto gobollada waqooyi ee Somaliland waxa ku tartamaya xubno uu kamid yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled Khadar.
Ergo ka kooban 101 oo shalay la siiyay tababar ku saabsan qaabka codaynta ayaa lagu wadaa in ay doortaan kuraastan oo bilow u ah doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka.
PUNTLAND POST