Boosaaso: Dad ku hawlanaa falal amni-darro oo hawlgal lagu qabtay

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa war ka soo saaray hawlgal Booliisku xalay ka sameeyay xaafadaha magaalada Boosaaso.

Warka Booliiska ayaa lagu sheegay in hawlgalkii xalay lagu qabtay dad falal amni-darro ah ka waday gudaha Boosaaso inkastoo aan faahfaahin kale laga bixin dadkaas.

Booliiska ayaa xalay lagu arkayay waddooyinka iyo xaafadaha Boosaaso iyago oo hawlgal ku  jira islamarkaana baaritaan ku samaynaya guryaha iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Dadka la xiray ayaa sida wararku sheegayaan loo gudbiyay xabsiga magaalada si baaritaan loogu sameeyo.

PUNTLAND POST