Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland oo soo jeediyay in Somaliland lagu daro liiska Argagixisada

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa saaka soo jeediyay in Puntland liiska argagixisada ku darto xukuumadda Somaliland.

Xildhibaannadaas oo laga soo doorto Gobolka Cayn ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay taageerto Al-shabaab islamarkaana bara-kicisay shacab Soomaaliyeed.

Mudanayaasha ayaa ka codsaday Baarlamanka Puntland in uu soo saaro qaraar ku saabsan in Somaliland si rasmiya loogu aqoonsado maamul Argagixiso ah.

Xildhibaannada ayaa si adag u cambaareeyay bara-kicintii iyo raafkii Somaliland ku samaysay shacabka u dhashay koofur Galbeed oo laga saaray magaalada Laascaanood.

PUNTLAND POST