
Agaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa xilkii laga qaaday, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdiqaadir Cilmi Cali.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee hay’ adda Socdaalka & Jinsiyadda Cabdiqaadir Cilmi Cali.
Sidoo kale Goluhu waxay ansixiyeen guddoomiyaha hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Cabdiqaadir Aadan Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & Jinsiyadda oo loo magacaabay Cabdiqaadir Cilmi Cali, iyagoo uga mahadceliyay Agaasimihli hore ee hay’adda Mudane Maxamed Aadan Koofi howshii u soo qabtay”.
Maxamed Aadan Koofi ayaa xilka Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya hayay tan July 2016.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.