
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa Dastuuriga ah uga hadlay Amniga iyo Tayeynta Ciidamada, Doorashooyinkii taariikhiga ah ee hal cod iyo hal qof, mashaariicda horumarin ee dowladdu hirgelisay, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo wadashaqeynta Puntland iyo dowladaha xubnaha dowladda Federaalka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaanada Golaha Wakiillada , Qaar ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya heer Federaal, Saraakiisha Ciidamada Amniga, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharafkale.
Halkaan ka daawo Khudbadda Madaxweynaha oo dhammaystiran
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.