Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro iyo xubno kamid ah guddiga oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe.
Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka safarkooda Garoowe ku saabsanyahay dardargelinta doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka dalka.
Guddoomiye Cirro ayaa tilmaamay in mudada ay Garoowe joogaan ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan mas’uuliyiinta u sarraysa Puntland iyo xubnaha guddiga doorashooyinka heer Puntland.
Halkaan ka daawo hadalka Guddoome Ciro
PUNTLAND POST