Dabley ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Puntland ee Af-Urur

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday saldhiga ciidamada difaaca dowladda Puntland ee degaanka AF-Urur.

Kooxda ayaa madaafiic ku tuuray saldhiga waxaana ciidamadu kaga jawaabeen hubka culus sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiisha Ciidanka.

Goob-joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in saldhiga laga maqlay rasaas laba dhinac ka dhacaysay.

Lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka kooxdaas ku qaaday saldhiga ciidamada Puntland ee Af-urur.

PUNTLAND POST