Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha magaalada Kismaayo u magacaabay, Cumar Cabdullaahi Maxamed (Fara-weyne) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Puntland.
Col. Cumar Fara-weyne, ayaa soo noqday Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland ee Xukuumaddii Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).
Sidoo kale, wuxu soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal xilligii Xukuumaddii Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.