Guddiga doorashada heer Somaliland ayaa soo bandhigay jadwalka laba ka mid ah kuraastaAqalka hoose Baarlamanka oo tirsagoodu yahay HOP239 iyo HOP237.
Diiwaan gelinta qabashada codsiga iyo xaqiijinta shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya labadaas kursi ayaa bilaabanaysa maanta oo Jimce ah islamarkaana socon doonta mudda laba cisho ah.
Labada Kursi mid ka mid ah waxaa ku fadhiyay Xuseen Carab Ciise, kaasoo ah kursiga tirsigiisu yahay HOP239, waxaana dadka doonaya inay u tartamaan ka mid ah Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mahdi Guuleed.
Sidoo kale, Kursiga kale ee Tirsigiisu yahay HOP237 waxaa hore ugu fadhiyay Biixi Iimaan Cige oo mar kale dib ugu sharraxan.
PUNTLAND POST