Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay in xukunno dil iyo gacan-goyn ah lagu fuliyay rag lagu helay danbiyo kala duwan.
Xasan Cabdi Aamey oo sida Al-shabaab sheegtay lagu helay in uu gabar kufsaday ayaa lagu dilay dhagax halka nin kale oo lagu helay tuugnimo isna gacanta laga jaray.
Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo dagaal lagu qabtay ayaa isna Al-shabaab toogasho ku dileen sida ay qortay warbaahinta taageerta kooxdaas.
Xukunka ayaa ka dhacay fagaare ku yaalla degmada Kurtunwaarrey oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.
PUNTLAND POST